Warsidaha PEN

No/Tr. 2

December 2006

 

 

‘Welcome to a new issue of the SomaliPen Newsletter for members and friends of the Somali-speaking Centre of International PEN. This newsletter is created to provide PEN members and their friends with the latest news concerning the Somali-speaking PEN, the literary and cultural activities in the Horn of Africa, as well as news from the International PEN Movement worldwide. Most materials will be in the Somali language, the only language spoken by all members. However, starting from the next issue we are planning to provide an English version of the core content. Any comments and suggestions about the content and layout of the newsletter, as well as contributions from members and other readers, will be gratefully received by the editors at: cmwacays@yahoo.com, or anwar@usfamily.net

Saaxiibbayaal ku soo dhawaada Warsidaha SomaliPen oo ka tirsan bahweynta caalamiga ah ee International P.E.N. Warsidahan ujeeddooyinka loo abuuray waxaa ka mid ah in uu xubnaha iyo saaxiibbada P.E.N. la socodsiiyo hawlaha iyo dhaqdhaqaaqyada muhiimka ah ee ku saabsan arrimaha P.E.N. iyo guud ahaan wararka dhaqanka, suugaanta, qoraallada iyo aqoon-faafinta. Warsiduhu wuxuu ururiyaa, kaydiyaana dhacdooyinka muhiimka ah iyo wax-qabadyada dhaxal-galka ah ee khuseeya arrimaha kor ku xusan. Wixii ah fikrado iyo tala-bixin ku saabsan sii hagaajinta, hannaaninta iyo horumarinta warsidaha aad ayaa loo soo dhaweyn doonaa. Sidoo kale wararka iyo qoraallada munaasibka ah ee ay warsidaha u soo gudbiyaan xubnaha iyo saaxiibbada P.E.N. gacmo furan ayaa lagu soo dhaweyn doonaa. Tala-bixinta, taakulaynta iyo wararkaba waxaa lagu soo hagaajinayaa tifaftirayaasha warsidaha oo ay farriin-tebiyeyaashoodu kala yihiin cmwacays@yahoo.com & Anwar@usfamily.net.

 

Text Box: QAYBAHA TIRSIGAN / IN THIS ISSUE
 ● Wararka Guud ee Naadiga SomaliPen / SomaliPen News
● Wararka Laamaha / Branches News
● Xogta Xubnaha / Members News
● Isha bahweynta PEN / International PEN News
● Warar Kale oo Mudan / Other Relevant News
● Hal-abuurka Tirsigan / Literary Extracts

 

 

 


 

 

WARARKA GUUD EE NAADIGA SOMALIPEN

 

Kal-fadhigii Labaad ee Guddiga Fulinta Naadiga SomaliPen

Kal-fadhigii labaad ee guddiga fulinta naadiga Somalipen ayaa lagu qabtay magaalada Jabbuuti taariikhdu markii ay ahayd 3/11/2006. Guddoomiyaha Naadiga Somali PEN, Maxamed Daahir Afrax, oo munaasabaddaas kasoo jeediyey hadal isugu jirey furitaan iyo warbixin ayaa si faahfaahsan uga hadlay dhaqdhaqaaqa naadiga iyo hawlihii u qabsoomay muddadii u dhaxaysey labada kal-fadhi.

Guddoomiyuhu, isagoo ka hadlaya mashruuc cusub oo ku soo kordhay hawlaha Naadiga, wuxuu sheegay inuu Naadigu dhowaan fulin doono hawlgal cusub oo la xiriira badbaadinta dhaxalkii masraxa Soomaalida. Guddoomiyuhu wuxuu kaloo warbixintiisa kusoo bandhigay qorshe-hawleedka iyo jadwalka aqoon-wadaagyada socon doonaa sannadka cusub ee 2007 

Xoghayaha Naadiga iyo Xil-hayayaasha kale ayaa iyaguna kasoo jeediyey kal-fadhiga warbixino ay ku faahfaahiyeen hawlihii u qabsoomay, kuwii aan u qabsoomin, iyo caqabadihii lasoo gudboonaadey muddadii u dhaxaysey labada kal-fadhi. Falanqayn iyo dood dheer kaddib, kal-fadhigu wuxuu isku raacay ansixinta qodobbada soo socda:

1. Fulinta mashruuca badbaadinta dhaxalka masraxa Soomaaliyeed.
2. Hawl-wadeennada sare ee mashruuca oo la magacaabay.
3. Khasnaji cusub oo la magacaabay laguna beddelay khasnajigii hore oo codsday in laga nasiyo hawshaas.
4. Ansixinta qorshe-hawleedka iyo jadwalka aqoon-wadaagyada sannadka 2007.
5. Xoghaynta dhexe oo xubno cusub lagu xoojiyey.
6. Xubno la isku beddeley jago-hawleedkooda.

Xog-haynta Dhexe iyo Guddiyo la magacaabay

1. Xoghayta dhexe

Aaden Xassan Aaden – xog-hayaha Naadiga
Maxamed Cabdillaahi Riiraash
Muumin Xuseen
Ismaaciil Cabdi
Burhaan Axmed Daahir

2. Hawlwadeenka Mashruuca Badbaadinta Dhaxalka Masraxa
 

Waxaa la xil saaray Maxamed Cabdillaahi Riiraash – Xiriiriyaha Mashruuca, iyo

Aaden Xasan Aaden - Kaaliyaha Maamulka Mashruuca.

Waxaa kaloo la go’aamiyey xagga hawlaha farsamada in laga

hawlgaliyo dad ay ka mid yihiin Cabdalla Xaaji iyo Burhaan Axmed.

3. Gurmadka Ilaalinta Xorriyadda Qalinka iyo Hal-abuurka

Cumar Siciid Bile – Guddoomiye
Ismaaciil Cabdi – ku-xigeen
Cabdulqaadir Maxamed Wacays –Xiriiriye
Cabdinaasir Macallin – Xubin
Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) – Xubin

4.
Gurmadka Warbaahinta

Cabdi Caateeye – Guddoomiye
Cabdisalaam Salwe – Isuduwaha shabakadda Somalipen.org
Sacdiya Garabey – Kaaliyaha isuduwaha shabakadda Somalipen
Cabdulqaadir Maxamed Wacays – Tifaftiraha warsidaha Somali PEN
Anwar Maxamed Diiriye - Kaaliyaha tifaftiraha warsidaha
Burhaan Warsame – Tifaftiraha warsidaha cutubka Ingiriisiga 
Rashiid Xaashi – Kaaliyaha shabakadda Somalipen, kana mas’uul ah dhanka af-Faransiiska.

5. Hawlgallada iyo Aqoon-wadaagyada Jabbuuti

 Idiris Saciid – Guddoomiye

Khadar Cali - Guddoomiye-ku-xigeen
Aamina Jaamac - Kormeere           

Cabdalle xaaji -Xubin             

Faadumo Maxamuud Muuse – Xog-hayn

 

Xubno la isku beddeley jago-hawleedkooda

 

1.      Sagal Cabdulqaadir oo hore ugu xilsaarrayd mas’uuliyadda arrimaha xubnaha & xubinnimada, waxaa kal- fadhigan loogu magacaabay mas’uulka tarjumadaha, dhaqan-wadaagga iyo bulshaynta.
 

2.      Muumin Cabdi oo hore u ahaa Mas’uulka tarjumadaha iyo dhaqan- wadaagga wuxuu noqday masuulka  maaliyadda/khasnajiga. 

3. Burhaan Axmed Daahir oo hore ugu xilsaarnaa tifaftirka warsidaha SomaliPen waxaa loo magacaabay mas’uulka arrimaha xubnaha & xubinnimada, iyo xiriirka laamaha.

 

Qorshe-hawleedka Sannadka 2007 ee Naadiga SomaliPe

Hordhac

Naadiga Somali PEN wuxuu sannadka soo socda fulin doonaa qorshe-hawleed cusub, kaas oo ay astaan u tahay sii xoojin iyo dardar-gelin waxqabadkii Naadiga ee sannadihii la soo dhaafay. Qorshe-hawleedkan, oo ka tilmaan-qaadanaya himilooyinka guud ee bahweynta PEN International, go’aannadii Shirweynihii 3aad ee Somali PEN iyo talooyinkii Kulan-weynihii Toddobaadkii Afka Hooyo, 2006, wuxuu leeyahay afar dhinac oo waaweyn, kuwaas oo kala ah:

 

  1. Hirgalinta mashaariic dhaxal-gal ah oo ku wajahan badbaadinta dhaxalka dhaqan ee ummadda Soomaaliyeed iyo sare-u-qaadka waxqabadka qalinleyda iyo hal-abuurka;

 

  1. Qabanqaabinta kulanno kala duwan iyo fagaarayaal aqoon-wadaag oo wax lagu kala faa’iideysto, tartanno, iyo tababbarro lagu dhiirri-galiyo in ay soo baxdo da’ cusub oo ah qalinley iyo hala-buur adeegsada afkooda hooyo;

 

  1. Hawlgal firfircoon oo lagu ilaaliyo xuquuqda qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed meel ay joogaanba, laguna difaaco xorriyaddooda fekerka iyo hal-abuurka ee dhibaatooyinku ku haystaan Soomaaliya gudaheeda; iyo

 

  1. Dib-u-habayn iyo xoojin lagu sameeyo hab-socodka hawl-maalmeedka Naadiga iyo wada-xariirka joogteysan ee laamaha, xubnaha iyo xarunta dhexe.

 

Nuxurka qorshe-hawleedkan waxaa astaan u ah isla hal-ku-dheggii sannadkii hore ee ahaa Hirgelinta Hal-abuur ku Qoran Afka Hooyo”. Qorshe-hawleedkan cusub qodobbada uu ka kooban yahay kuwa ugu waaweyn waa sida hoos ku qeexan, si kooban. Faahfaahinta qodob kasta waxaa lagu qeexay qoraal u gaar ah, mashruuc ahaan:

 

Aqoon-wadaagga SomaliPen ee 2007ka

 

Aqoon-wadaagga PEN waa hawlgal caan-baxay oo Naadiga PEN laamihiisa kala duwan ay soo wadeen labadii sano ee u dambeeyey. Xarunta dhexe iyo laanta Jabbuuti, aqoon-wadaagyo badan oo ay u qabteen dadweynaha reer Jabbuuti waxaa gacan ka geystey haya’adda Telefishinka, RTD, waxaana ku soo baxday suugaanley cusub oo aad u firfircoon. Waxay noqotay tallaabo wax weyn ku soo biirisay nolol-suugaaneedda dalka.

 

Haddaba, aqoon-wadaagyada sannadka 2007, Naadigu wuxuu u dajiyey qorshe-sannadeed buuxa, sidii hore ka sii habaysan, ka sii tifaftiran, kana sii xiisa badan, kaas oo u tallaabaya dhinacyo iyo dhulal aan hore loo gaadhin xag mowduuc iyo xag deegaan inataba. Wuxuu kaloo Naadigu u hawlgalayaa in uu fulinta qorshahaas gacan-saar iyo wada-shaqayneed kala yeesho RTD iyo Wasaaradda Dhaqanka, bah-wadaagnimadoodana la sii xoojiyo, iyo dhinacyo kale oo ay ka mid yihiin ururrada bulshada (sida ; Ururka Haweenka Jabbuuti), Jaamacadda iyo dugsiyada sare. Waxaa la dajiyey qorshe ka kooban toban barnaamij oo xiisa leh.

 

Mashruuca Badbaadinta Sooyaalkii Masraxa

 

Naadigu wuxuu dhawaan u guntadey badbaadinta dhaxalka qaaliga ah ee hal-abuurkii masraxa ee soo taxnaa in ka badan 60 sano, maantana halis ugu jira in uu dabar go’o. Sannadkan cusub waxaa xoog la saari doonaa ururinta, tira-koobka, diiwaan-galinta iyo dayac-tirka boqollaal cajaladood oo maqal iyo muuqaalba leh, kuwaas oo imminka dhul badan ku kala lunsan. Kadibna, waxaan ku dadaali doonaa sidii loogu hawlgali lahaa kaydin sugan iyo dib-u-soo-noolayn intaba. Faahfaahinta mashruucan ka eeg qoraalka u gaarka ah (project proposal).

 

Tababar-xirfadeedyada Farshaxanka Qalinka

 

Sida la ogyahay, bahweynta qalinleyda astaanta isku xidhaa waa fanka qalinka oo uu facba fac ka dhaxlo. Facaha soo koraya, si ay u hantaan farsamadan, waxay u baahan yihiin jahayn iyo tababarro ku caawiya in ay cagta la helaan waddada saxa ah. Sidaa awgeed, sida ay yeelaan ururrada qalinleyda dunidu, Naadiga PEN, laga bilaabo sannadka 2007 wuxuu iska xilsaari doonaa abaabulka tababbarro lagu siinayo qorayaasha soo koraya farsamooyinka kala duwan ee loo adeegsado farshaxanka qalinka qaybihiisa kala geddisan sida; sheeka-xardhidda, riwaayad-curinta, maansaynta, maqaal-suugaaneedka iyo faaqidaadda masraxa iyo suugaanta kaleba.  Sidaa awgeed, Sannadka 2007 Naadigu wuxuu qaban doonaa saddex tababar-xirfadeed oo kala ah:

 

1)      Gogoldhig guud ahaan farsamooyinka loo adeegsado farshaxanka qalinka iyo faraqa u dhexeeya qoraalka caadiga ah iyo kan fanka ah ama leh farshaxan hal-abuurnimo;

2)      Fanka sheeka-xardhidda;

3)      Farsamooyinka kala duwan ee faaqidaadda suugaanta.

 Kor/Up

Tartamo dhallinyaro

 

Sidoo kale, waxaa la qabanqaabin doonaa tartanno hal-abuurnimo oo ku saabsan noocyada hal-abuurka ee kor ku xusan, marba intii loo helo awood iyo waqti.

 

Warsidaha SomaliPen iyo Shabakadda internet-ka

 

Naadigu wuxuu ku dadaali doonaa in sannadka cusub la xoojiyo qalabka warbaahinta ay ka midka yihiin shabakadda Internet-ka ee http://Somalipen.org & Warsidaha SomaliPen, kuwaas oo ay sannadihii hore suurtoobi weydey in la gaarsiiyo heerkii loo baahnaa dhaqaale la’aan awgeed. Xubnaha PEN ee aqoonta xirfadeed u leh arrimahaas waxaa laga codsanayaa in ay gacan u soo fidiyaan labadan aaladood ee muhiimka ah.

 

Habaynta iyo xoojinta hab-socodka hawl-maalmeedda Naadiga

 

Si loo dardargaliyo, loona daraya-tiro hab-sami-u-socodka hawl-maalmeedda Naadiga, waxaa la xoojinayaa xoghaynta dhexe, taas oo lagu xoojinayo xubno dheeraad ah, kuwaas oo ah xubnaha Guddiga Fulinta ee xilalkoodu halbowlaha u yihiin hawl-maalmeedda iyo kuwa had iyo jeer sida firfircoon isaga xilsaara fulinta hawl-maalmeedyada kala duwan. Waxaa la xoojin doona wada-shaqaynta iyo kala-war-qaadashada joogtaysan ee xarunta dhexe iyo laamaha. Waxaa la dhisi doonaa guddi lagu magacaabo Gurmadka (Task Force) Ilaalinta Xorriyadda Feker-curinta (freedom of expression), taas oo lagu xoojinayo hawl-qabadka waaxda ka xilsaaran arrimahaas.

 

Xoojinta iyo ballaadhinta bah-wadaagnimada

 

Naadigu wuxuu ku dadaali doonaa inuu sii ballaariyo, xoojiyana xiriirka bah-wadaagnimo ee uu la leeyahay ururrada kale iyo haya’daha kala duwan ee ay khuseeyaan arrimaha dhaqanka, qoraalka iyo hal-abuurka, iyo kobcinta aqoonta bulsha-weynta, kuwaas oo leh heer waddan, heer gobol iyo heer caalami intaba.

 

Ka-qayb-qaadashada hawlaha heerka caalami ee PEN International

 

Naadigu wuxuu si firfircoon uga qayb qaadan doonaa hawlgallada suurtagalka ah ee heerka caalami iyo heerka Afrika, kuwaas oo ay abaabusho xarunta dhexe ee dalladda caalamiga ah ee PEN International. Hawlaha uu sannadkan Naadigu ka qayb qaadan doono waxaa ka mid ah Shirweynaha Caalamiga ah ee 74aad ee PEN International iyo bandhig-suugaaneedka la magac baxay Codadka Adduunka (World Voices) ee ka dhici doona magaalada London.

 

Dhaqaale-curin

 

Hawlaha faraha badan ee kor ku taxan fulintoodu waxay ku xidhan tahay sida loogu helo awood dhaqaale. Awooddaas la’aanteed waa ay yar yihiin waxa la qaban karayaa. Sannadihii la soo dhaafay, Naadigu dhanka dhaqaale raadinta kama qaadin tallaabooyin firfircoon, mana jirin dhaqaale waxtar muuqda leh oo soo galay, taas ayaana turunturro ku ahayd wax-qabadka Naadiga iyo laamihiisa kala duwan. Asagoo waaya-aragnimadaas ka ambaqaadaya, sannadkan Naadigu wuxuu ku tala jiraa inuu xoog saaro arrinta dhaqaale-curinta lagama-maarmaanka u ah hirgalinta hawlaha waaweyn ee uu dalbayo Qorshe-hawleedkani.

 

Kor/Up

WARARKA LAAMAHA

 

Laanta Sweden iyo Sannadkii 2006

 

1. 21-ka bishii Febraayo oo ku beegnayd xuska maalinta afka hooyo, Laantu waxay qabanqaabisay dabbaaldeg iyo kulan-dhaqameed lagu qabtay xaafadda Tensta ee magaalada Stockholm. Kulankaas waxaa maansooyin iyo cayaaro ku saabsan hiddaha iyo dhaqanka.uga qayb galay dhallinyaro badan oo ka kala yimid gobollada dalka Sweden.

 

2. Bishii Abriil, Laantu waxay qabatay bandhig lagu daah-furayey buug uu qoray Maxamed Xirsi Guuleed (Cabdi Bashir). Waxaa kale oo goobta lagaga wada dooday horumarinta afka hooyo iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa agab xiisageliya ubadka Soomaaliyeed, si ay afkooda iyo dhaqankoodaba u qiimeeyaan.

 

3. 19kii Sebtember 2006, Laantu waxay qabatay kulan aqoon-wadaag ah oo ay ka soo qayb galeen dhammaan xubnaha Laanta ee ku kala baahsan dalka Iswidhan. Kulankaas waxaa lagu lafa-guray sidii la iskaga kaashan lahaa wixii talooyin iyo tusaalooyin ah ee la xiriira dhinaca daabacaadda buugaagta. Waxaa intaa dheeraa, dadweynahii kulankaas kasoo qayb galay oo la siiyey fursad ay ku dhageystaan maansooyin iyo suugaan kala duwan oo loo soo bandhigay. Kulanku wuxuu si caafimaad qabta isugu afgartay in hawsha la wadaago, la iskana kaalmeeyo wixii dhib ah ee jira.

 

4. Laanta oo wada shaqayn la leh Ururka Barayaasha Soomaaliyeed ee waddamada WoqooyigaYurub waxay ku guuleysteen in ay martiqaadaan Maxamad Cabdullaahi Riiraash oo ah xubin muhiim ah oo ka tirsan hoggaanka sare ee Naadiga Somali PEN. Bare Sare Riiraash wuxuu casharro qiimo leh ka jeediyey waddanka Finland oo ay ku kulmeen bareyaasha Afka hooyo ee waddamada Woqooyiga Yurub.

 

Muddadii uu Riiraash joogey Finland, Laantu waxay u magacawday guddi si gaar ah uga war haya, lana socda safarkiisa. Kaddib markii uu kusoo laabtay magaalada Stockholm, Laantu waxay suurtagelisey in uu Riiraash booqdo magaalooyin ka baxsan Stockolm oo ay ka mid yihiin Västrås iyo Orebrö, isagoo guud ahaan dadweynihii Soomaaliyeed ee uu la kulmayey uu uga warramayey muhimadda ay leedahay isku duubnida iyo iska warhaynta.

 

  1. Duruufo jirey awgood, Laanta waxaa u qabsoomi waayey xuskii iyo maamuuskii loogu tala galay in loo sameeyo maalmaha qiimaynta ka mudan ummadda Soomaaliyeed ee kala ah: 26ka juun, 27ka Juun, iyo maalinta 1da luulyo.

Laanta Koofur Soomaaliya

Aqoon-wadaag: Dood ku Saabsan 34 Sano ka Dib Af-Soomaaligu

ma Horumaray Mise waa Hakaday

 

Maalinnimadii Khamiista oo ay taariikhdu ahayd 21 Disembar, 2006, Laanta Koofureed ee SomaliPen waxay magaalada Muqdisho ku qabatay Aqoon-wadaag lagaga doodayey isbeddelladii ku yimid Qoridda Afka Soomaaliga tan iyo muddadii la billaabay qoriddiisa, waxaana dooddaas kasoo-qabgalkeeda laf-dhabar u ahaa Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen: Prof. Ciise Maxamed Siyaad, Prof. Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) iyo Madaxa hay'adda Bisha ee Imaaraadka Carabta Mudane Shariif Maxamed Cabdullaahi.

Kulankaas waxaa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiyaha Laanta Koofureed ee Naadiga SomaliPen Abwaan Cabdi Muxumad Amiin, waxa uunna ka hadlay qoriddii Afka Soomaaliga iyo heerka uu maanta marayo.

"Qoridda Afka Soomaaligu waxa ay ka mid tahay guulaha waaweyn ee la gaaray muddadii ay Soomaaliya xorta ahayd, Boqolkii sano ee ugu dambeeyeyna Soomaaliya waxay ku hamineysey in ay hesho xuruufo qoraal ah oo lagu garto Afka Soomaaliga", ayuu yiri Abwaan Cabdi Muxumad Cabdi Amiin. 

 

Sidoo kale Abwaan Cabdi Muxumad Amiin oo ka hadlayey Afka Soomaaliga iyo sida uu ka yahay maanta gudaha Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in Dugsiyada, Jaamacadaha iyo Macaahidda ka jira gudaha Soomaaliya lagu dhigto Afaf kale isla markaana meesha laga saaray Afka Soomaaliga in wax lagu barto.

 

"In aan Afka Soomaaliga wax lagu baran waxa ay keeneysaa in Luqadda Soomaaliga ay noqoto mid meesha ka baxda oo gabigeed baaba'da, waxa aanan soo jeedin lahaa in wax lagu barto waxna lagu qoro Afka Soomaaliga" ayuu yiri Guddoomiyaha Laanta Koofureed ee Naadiga SomaliPen Abwaan Cabdi Muxumad Amiin.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Madaxa hay'adda Bisha ee Imaaraadka Carabta Mudane Shariif Maxamed Cabdullaahi, wuxuuna si weyn ugu dheeraaday qoridda afka Soomaaliga iyo wixii laga soo maray, waxaana uu sheegay in Afka Soomaaliga uu yahay Afka dadka Soomaaliyeed isla markaana loo baahan yahay in xoogga la saaro, iyadoo wax lagu qorayo isla markaana wax lagu baranayo.

"Hay'ad walba oo shisheeye ah oo doonaysa inay maalgeliso Jaamacad, Iskuul ama machad waxay dooneysaa in luuqaddeeda wax lagu dhigo, haddii kale aysan maalgelinayn qaybahaas aan soo xusnay, waxaana taasi ay sababtay in aan Afka Soomaaliga wax lagu baran laguna qorin" ayuu yiri Guddoomiyaha jaamacadda Xamar Prof. Faarax Qare oo soo jeediyay in wax lagu barto laguna qoro Afka Soomaaliga.

"Qolo ma xorowdo illaa ay afkeeda wax ku barato, waana qaacido in la raaco ay tahay muhim si shacabka Soomaaliyeed ay afkooda wax ugu bartaan uguna qoraan" ayuu yiri Prof. Ciise Maxamed Siyaad.

Waxaa sidoo halkaas halkaas ka hadlay xubno lagu casuumay oo ay ka mid ahaayeen: C/raxmaan Abuu-Xamza, Yuusuf Cali Macallin iyo xubno kale, iyadoo uu hadal ku saabsan Afka Soomaaliga halkaas ka soo jeediyay C/qaadir Nuur Xuseen (Maax).

Gebagebadii kulanka, waxaa laga soo saaray talooyinkii ay soo jeediyeen guddi si gaar ah loogu xilsaaray hawshan, kuwaasoo ahaa sidan:

1-      In la dhowro Midnimada Afka

2-      In taariikhda Soomaaliya ardayga la baro iyadoo afka Soomaaliga ku qoran

3-      In la dhiso guddi Qaran oo hormariya Afka hooyo

4-      In buugaagta cilmiga ku qoran Soomaali lagu turjumo

5-      In la xuso maalinta Afka Soomaaliga la qoray

6-      In maadooyinka Iskuullada iyo Jaamacadaha lagu dhigo manhaj ahaan lagu daro laba maaddo oo ah (Somali iyo Suugaan)

7-      In Maaddada Soomaaliga laga dhigo maaddo aasaasi ah oo haddii ardaygu ku dhaco aanu fasalka ka baasayn.

8-      In Arday kasta oo Jaamacad ka qalin-jabinaya uu Soomaali Tessaha ku qoro, kaddibna luuqadda uu rabo uu ku turjumo

9-      In macallimiinta maaddooyinka kala duwan dhiga ay sameeyaan eray bixin Soomaali ah oo sharxaya maadooyinka ay dhigaan

10-        In la kordhiyo xiisadaha maaddooyinka Soomaaliga iyo Suugaanta ee toddobaadkii baxa.

11-        In Maaddooyinka Soomaaliga iyo Suugaanta darajooyinka lagu saxo lala simo luuqadaha kale.

12-        In Ardayda ka qalinjabineysa Jaamacadaha dalka Afafka ay wax ku soo qorayaan Af-Soomaaliga mudnaanta la siiyo.

13-        In Macallimiinta Maaddooyinka Soomaaliga iyo Suugaanta dhiga lala simo mushaar ahaan barayaasha kale ee luuqadaha dhiga.

14-        In Barayaasha afka hooyo dhiga la siiyo siminnaarro sida barayaasha luqadaha kale.

15-        In lagu dhiirrigeliyo shirkadaha ganacsiga in eray bixin Soomaaliyeysan u adeegsadaan adeegyadooda.

16-        In idaacadaha iyo wargeysyada lagu dhiirrigeliyo inay hor-mariyaan eray bixinta Soomaaliga.

                                                                                                                                                                    Magacyada Guddiga Talooyinkan Isku Soo Dubba-ridey:

1-      Prof. Ciise Maxamed Siyaad

2-      Qoraa sare: Sheekh C/raxmaan Xuseen Samatar (Abu Xamza)

3-      Al-Ustaad: C/qaadir Nuur Xuseen (Maax)

Kor/Up 

XOGTA XUBNAHA

Siciid Saalax Axmed, Hal-abuur Soomaaliyeed noloshiisa intii badnayd macallin ahaa welina ah oo wax ka dhiga dugsiyada Minneapolis hibana u leh qoraalka, ta’liifta suugaanta & sameynta filimada, ayaa waxa uu soo saaray buug yare sheeko-xariiro fac weyn lagu xardhay iyadoo laba-afle (Soomaali-Ingiriis) ah laguna shaqlay oo qurxiyey sawir gacmeed. Buugga waxaa loogu magacdaray naynaasta sheekada oo ah (Qayb Libaax: The Lion’s Share). Buuggan soo saariddiisa & faafintiisaba waxaa gacan weyn ka geysatey hay’ad aan dawli ahayn oo lagu magacaabo Minnesota Humanities fadhigeeduna yahay magaalada St. Paul, gobolka Minnesota ee carriga Mareykanka. Wuxuu noqday buuggu mid aad loo jecleystay oo ilmaha soomaali & ajnebiba isku si u soo jiitey. ISBN: 10: 1-931016-12-7 ama 13: 978-931016-12-4.

Siciid Saalax waxa kale oo uu dhowaan ku guuleystey in koox uu isku keenay uguna magac daray “ILAYS” ay gobollada dhaca galbeedka dhexe ee carri-weynahan Mareykanka ay ku soo wareejiyeen riwaayad dhaqameed uu curiyey oo laga dhigay 5 gobol 36 goor intii u dhexeysey October 14 ilaa November 19.  Tusmo dhaqameedkan oo uu ugu magic daray Abbaarta Dhaqanka ee Xiriirka Aadamiga “Cultural Approach For Human Connection” waxay abbaarteedu ahayd in bulshada Maraykanka ee ku nool tuulooyinka & miyi-xigeenka goboladii la maray lagu baro dhadhanka & xikmadda dhaqamada kale ee ay go’doonka ka yihiin, waxaana bandhigyada lagu sameynayey dugsiyada hoose, dhexe, sare, jaamacadaha, machadyada kale ee waxbarashada & golayaasha murtida iyo fankaba iyadoo bandhig-faneed walba lagu soo gunaanadayey aqoon-wadaag dhaqameed.

Sannadkii 2005kii, Siciid Saalax waxa uu ku guuleystey abaalmarin lagu magacaabo Virginia McKnight Binger Awards in Human Service oo ay bixiso sannadkiiba mar hay’ad samafal oo la yiraahdo Mcknight Foundation. Abaalmarintaas oo la guddoonsiiyo dadka wakhtigooda iyo adeeggooda u hura horumarinta aadanaha, wuxuu Siciid noqday qofkii ugu horeeyey ee soo-galooti ah ama midab leh oo la siiyo tan iyo goortii la bilaabay bixinteeda sannadkii 1985kii.

Aw Jaamac Cumar Ciise, buuni caan ku ah afka, dhaqanka & taariikhda Soomaalida kana mid ah Naadiga SomaliPen ee Qalinleyda & Hal-Abuurka Soomaaliyeed, waxa uu imika soo saaray shan buug oo kala ah “Diwaankii Gabayada Sayid Maxamed Cabdille Xasan”& “Tariikhdii Daraawiishta” oo la sii tifaftiray; “Suugaanta Geela, Fardaha & Haweenka”; “Hilimadii Suugaan yahannadii Hore” iyo “Doorka Jabbuuti & Dib u Heshiisiinta Soomaalida”. Diyaarinta iyo daabacaadda buugaagtaas waxaa Aw Jaamac u suurta galisay taakulayn hagarla’aaneed oo uu u fidiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle, taakulayntaas oo dhinac dhaqaale, dhinac farsamo iyo dhinac dhiirrigalin intaba lahayd.

Anwar Maxamed Diiriye, aqoonyahan hibo weyn u leh arrimaha dhaqanka iyo warbaahinta, hibo gaar ahaaneed u leh farshaxanka qalinka iyo adeegsiga af-soomaali suugaanaysan, abuuray wargeysyo uu ka mid ahaa Gobaad, waxa uu dhawaan soo saaray buug la jeclaystay oo ah laba-afle (Soomaali-Ingiriis), buugga waxaa loogu wanqalay (Literature of Somali Onomastics & Proverbs With Comparison of Foreign Sayings: Barashada Xikmadda Magacyada & Maahmaahaha Soomaalida). ISBN: 0-9726615-1-4. Buuggu waxa uu ku saabsan yahay magac-bixinta Soomaalida & xikmadda ku duuggan magacyada, maahmaaho xul ah, isbarbardhig maahmaaha soomaalida & kuwo shisheeye tusinayana sida murtida & xikmaddu ay dhaqan ahaan bah-wadaag u yihiin iskuna shabbahaan. Buuggu qaybaha dambe wuxuu ku soo bandhigayaa tusmooyin xikmadeysan oo ay ka mid yihiin magacyadii lagala bixi jirey geyiga soomaalidu degto ka hor intii ayan diinta islaamku iman. Anwar waxa uu ka yahay xubin Naadiga SomaliPen waxa uuna deggen yahay magaalada Minneapolis ee carriga Maraykan.

Muna Axmed (Muna Hodan), waxay soo saartay bug ay ugu magacdartay “Les Enfant du Khat: Carruutii Qaadka”. Waa buug afka Faransiiska lagu qoray oo ka hadlaaya dhibaatooyinka qaadku u geysto bulshada gaar ahaan carruurta iyo da’yarta soo koraysa.

Aadan Xasan Aadan (Aadan Beleloo), Waxa uu isna soo saaray laba buug oo aad u qiimo badan oo kala ah “Saab-xidh – Diiwaanka maansada Aadan Xasan (Aadan Beleloo); iyo “Hadhkii Madoobaa –Riwaayad taariikheed Af-Soomaali loo tarjumay”. Markii hore Af-carabi ayay ku soo baxday waxana la yiraahdaa “Dillul Aswad” oo la micne ah “Hadhkii Madoobaa”.

Georgi L. Kapchits, oo ah xubin ka mid ah Naadiga PEN, wax ku qora afka soomaaliga waxna ka qora dhaqanka & afka Soomaalida; soo saaray buuggaag badan oo ku saabsan mawduucyadaas; waxa uu dhowaan ka soo saaray buuggiisii ugu dambeeyey oo laba-afle ah (Soomaali & Ingiriis) magaalada Moscow ee carriga Ruushka waxa uuna buuggu ku saabsan yahay sheeko-xariirooyin Soomaaliyeed. Georgi waxa uu buuggiisa ugu magac daray “Faaliyihii la Bilkeyday: A Soothsayer Tested”. ISBN: 5-86748-051-8 

Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu ka soo saaray magaalada Hargeysa buug suugaaneed mug weyn oo ku saabsan Illaahay ha u naxariistee Timacadde & sooyaalkiisii looguna magacdaray (Diiwaanka maansada Cabdillaahi Suldaan Maxamed ”Timacadde”).

Maxamed Baashe Xaaji Xasan, Waxa uu ka soo saaray magaalada London ee carriga Ingiriiska buug loo bogey oo ku saabsan sooyaalka, kartida & qiimaha haweenka Soomaaliyeed oo uu ugu wanqalay Guri Waa Haween”. ISBN: 0-9547674-1-1.

Cabdulqaadir Xuseen Nuur Maax, sannadihii dhowaa waxa uu soo saaray buugaag badan oo isugu jira sheekooyin dhaqan (sheeko carruureedyo), maahmaaho iyo murti waxaana ka mid ah “Sheekooyin Doorran”; “Diin iyo Dawaco”;  “Maahmaahyada Labaaleyda, Saddexleyda iyo Afarreyda” & “Boqolka Maahmaahood ee Ugu Caansan & Kuwo Kale”.

Cabdi Muxumad Amiin, guddoomiyaha laanta Koofur Soomaaliya ee Naadiga, waxa uu soo saaray buug dhaliilaya dhaqamada aan wanaagsanayn ee bulshada isla markaana dhiirrigelinaya dhaqanka toosan ee faa’iidada leh, wuxuuna ugu magacdaray “Dawan”.  

Yuusuf Cabdullaahi Xasan, Guddoomiyaha Laanta Sweden, oo hore u soo saaray buuggaag ku saabsan afka & dhaqanku wuxuu kale oo dhawaan soo saaray laba buug oo hor leh oo uu ugu tala galay in ay carruurta Soomaaliyeed ka caawiyaan barashada afka hooyo. Labada buug waxay kala yihiin Buugga Qorista & Akhriska Afka Hooyo” iyo “Buugga Feegaarka & Farbarashada”. Yuusuf wuxuu kale oo soo saaray giraan ama CD xambaarsan “Heesaha Carruurta”.

Maxamed Xirsi Guuleed (Cabdi-Bashiir), Xoghayaha Laanta Sweden, waxa uu isna soo saaray buug cusub oo uu ugu magac daray “Caqiidada Islaamka” kuna qoran afka hooyo. Buuggan waxaa dhex jiifa oo ku dhan 246 su’aalood & jawaabahooda oo si kooban u dhigan kuna saabsan barashada caqiidada islaamka. Waa hab xiiso badan oo soo jiidan kara dareenka akhristaha isla markaana aan lagu daalahayn.

Yamyam Alle ha u Naxariisto

Intii u dhexeysey labada tirsi ee Warsidahan waxaa ku geeriyoodey magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee carriga Mareykanka, Illaahay naxariistii janno ha siiyee buunnigii caanka ahaa ee Cabdulqaadir Xirsi Siyaad Yam-Yam. Yam-Yam wuxuu ka mid ahaa xubnihii unkay Naadiga SomaliPen, wuxuuna kaloo ahaa xubin firfircoon oo ka mid ah golaha fulinta ee Naadiga. Marxuumka 22k ii Octoober 2005 ayuu gaari ku diley magaalada Columbus. Yamyam Illaahay ha u naxariistee si weyn ayey bahda Qalinleyda & Hal-abuurkuba u tebi doonaan, waxaana Naadigu u sameyn doonaa dhowaan mihrijaanno lagu xusuusanayo.  

Ibraahim Gadhlena Wuu Naga Galbaday

Waxaa asna dhawaan magaalada Jabbuuti ku geeriyooday marxuum Ibraahim Sulaybaan, oo ku magac dheeraa Ibraahim Gadhle ahaana abwaan weyn oo taariikh dheer iyo magac weyn ku leh guud ahaan suugaanta Soomaalida. Gaar ahaan Ibraahim Gadhle wuxuu ka mid ahaa ruug-caddaaga safka hore kaga jira fanka iyo suugaanta Jamhuuriyadda Jabbuuti. Ibraahim wuxuu ahaa suugaanyahan hibo weyn leh curiyeyna riwaayado badan iyo maansooyin ka sii badan. Wuxuu ahaa abwaan waddani ah. Wuxuu ahaa xubin SomaliPen ka tirsan wuxuuna kaalin weyn ka qaatay kulan-weyneyaashii kala duwanaa ee Naadigu ku qabtay magaalada Jabbuuti, sida kulan-weynihii Toddobaadka Halabuurka Soomaaliyeed, 2003 iyo Toddobaadkii Afka Hooyo, 2006. Ilaahay naxariistii janno ha siiyo qoyskiisii iyo bahda hal-abuurkana ha ka siiyo samir iyo iimaan.

Qaasimna Eebbe ha u Gallado

Axmed Ismaaciil Diiriye “Qaasim” waxa uu illaahay ha u naxariistee isna ku geeriyooday magaalada Hargeysa bishii August 12, 2006. Qaasim kaalin weyn aytuu kaga jirey hal-abuurka bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna ka tegey suugaan badan oo noocyo kala gedisan iskugu jirta laguna xusuusan doono, Insha Allah. Asna Illaahay waxaan uga baryeynaa in uu janno ugu bishaareeyo ehelkii, qaraabadii & hal-abuurka Soomaalidana uu samir & iimaan ka siiyo.  

 

Kor/Up

ISHA BAHWEYNTA PE

 

Shirweynaha Ururka Caalamiga ah ee PEN waxa uu ka dhici doonaa magaalada Dakar ee dalka Senegal waxana uu qabsoomi doonaa 4-11-ka bisha July, 2007. Naadiga PEN ee Senegal ayaa soo diri doona xogta isdiwaangelinta dhammaadka sannadkan, annaguna haddii Alle idmo waan idinla soo socodsiin doonnaa waxaadna kala socon kartaan Boggayaga Internetka http://www.somalipen.org. Kulanka Bahweynta PEN ee Aasiya & Baasifiggu, waxa uu isna dhici doonaa 4-7-da bisha Febraury, 2007 – Xogta & foomamka isdiwaangelinta waxaad ka heli kartaa bogga Internetka ee Bahweynta PEN & bogga Qalinleyda Sydney oo kala ah www.internationalpen.org.uk & www.pen.org.au.

Fadhigii labaad ee Kooxda Xaquuqda Aadana ee Ururka Qaramada ee la qabtay 18kii September ilaa 6dii October, Guddiga PEN ee Qalinleyda Xabbisani waxay ka hadleen walaacna ka muujiyeen qalinleyda ku xirxiran China. Waxaa inta la ogyahay ku jirta xabsiyada China 33 qalinle oo loo cinqaabay xaquuqdooda ku aaddan in ay si xor ah u hadleen guji halkan si aad u aragto xogta. Xog tifaftiran oo ku saabsan hawlaha & qorshaha Bahweynta Caalamiga ah ee PEN waxaad ka heli kartaa qaybta lagu suntay “Aboaut Us” ee bogga Internetka kana hooseysa halka ay ku taal “Current Activities”, waxaadna booqan kartaa www.internationalpen.org.uk.

 

WARAR KALE OO MUDAN

Shirweynihii Lafa-gurka Hayb-sooca ee Minneapolis

Guddoomiyaha SomaliPen oo shirka garsiiyey farriimo taageero….

Shir looga hadlayey hayb-sooca & cunsurinimada dhex taal Soomaalida oo sababay in la takooro dadyow dhiig, dhaqan, af, caado, diin & midabba la wadaaga inta kale ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee carriga Mareykanka kolkii ay taariikhdu ahayd December 23 ilaa 24. Shirkaas oo in muddo ahba ay socotay qabanqaabadiisu, waxaa ka dhex muuqdey oo ka mid ahaa garwadeennada ugu waaweyn shirka laba xubnood oo ka tirsan Naadiga SomaliPen, waxayna kala ahaayeen Siciid Saalax Axmed “Shir-guddoonka” & Anwar Maxamed Diiriye “Xog-haynta”.

Waxaa shirka la gaarsiiyey farriimo taageero oo ka yimid guud ahaan naadiga uuna soo gudbiyey Guddoomiyaha Naadigu Dr. Maxamed Daahir Afrax. Farriimaha waxaa la sii mariyey oo gudbiyey Anwar oo ka mid ahaa guddigii qabanqaabada shirka. Shirkani waxyaalo badan ayuu kaga duwanaa kuwii ka horeeyey waxaana ka mid ahaa iyada oo la iskaga yimid Waqooyiga Mareykanka & Yurub iyo iyadoo dadyowgii aan soo gaari karini ay kaga qayb qaateen khadka taleefoonka oo ay farriimahoodii ku soo tebiyeen iyada oo si waafi ah loo wada dhegeystey. Meelaha laga soo laliyey farriimaha waxaa ka mid ahaa Dubai, Saudi Arabia, Muqdisho, Boosaaso, Sweden & meelo kale oo badan. Shirka waxaa joogey Garaadka beelaha la hayb-sooco Garaad Axmed Diiriye Geylan oo shirka uga yimid Sweden una yeelay xiise & miisaan gaar ah & ergooyin kale oo ka kala yimid Canada, Maraykanka & Yurub.

Shirkaas waxaa lagu guddoonsadey in la ebyo urur baaxad weyn oo wax ka tara dhammaan Soomaalida in laga wacyi-geliyo isdulmiga ku saleysan hayb-sooca; in lagu abuuro sanduukh dakhli loogu uruuriyo dadyowga la hayb-sooco si ilmahooda waxbarasho loogu helo; & in aayaha dhow laga dhex unko ururkaas dhexdiisa waax ay garwadeen u yihiin aqoonyahan Soomaaliyeed oo baaritaan cilmi ah ku sameeya waxa sababay sheeko-baraleydan & waxa xalka kama dambeysta ahi uu yahay iyada oo laga dheeraanayo dadyowga aan Soomaalida ahyni waxyaalihii been-abuurka ahaa ee ay ka qoreen mawduucan.

Doodaha shirkan waxaa si toos ah dad badan oo ku nool daafaha adduunku ugala socdeen isagoo maqal & muuqaalba ah http://somalitalk.com & http://somaliradio.com.

 Leicester: Daah-furka Mashruuca Dhaxal-hiddeedka Soomaalida

Bandhig lagu daah-furayey mashruuca dhaxal-hiddeedka Soomaalida ayaa lagu qabtay maalintii sabtida 11.11.06 matxafka ugu weyn magaalada Leicester ee dalka Ingiriiska. Mashruucan oo ay diyaarintiisa u hawl galeen jaaliyadda DANSOM (Danish Somali Community in UK) oo uu saldhiggeedu yahay magaalada Leicester muddo hal sano iyo bar ah waxaa xagga dhaqaalaha ka caawiyey HLF (Heritage Lottery Fund).

Munaasabadda bandhigga daah-furka mashruucan oo ay kasoo qayb galeen dadweyne fara badan, waxaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa ku xigeenka Duqa magaalada Leicester, Garry Hunt, oo sheegay in “mashruucan oo kale uu sahlayo in bulshooyinka kala duwan ee magaalada Leicester ku nool ay si fiican isku fahmaan oo iskula jaanqaadaan.”

Waxaa kaloo munaasabaddan ka hadlay Sir Peter Soulsby oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska, Sarah Levitt oo ah madaxa matxafka magaalada Leicester, Axmad Bile Rafle, Xamza Vayani oo ka socdey HLF, Chris Eyre oo ka socdey maamulka booliiska ee magaalada Leicester, iyo Xuseen Suleymaan oo ka tirsan maamulka magaalada Leicester, waxayna dhammaantood hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabey mashruuc caynkan oo kale ah, iyo muhimadda ay leedahay sii wadiddiisu.

Jaaliyadda DANSOM waxay bilaha soo socda bandhigyo kale ku qaban doonaan dugsiyada ay ardayda Soomaalidu ku badan yihiin.

Kor/Up

HAL-ABUURKA TIRSIGAN

Qaybtani waa xirmo aan u hibeyno xusuusta hal-abuurrada Soomaaliyeed oo aan tirsi waliba ku xulan doonno milicsiga suugaanta iyo murtidooda gaarka ah. Waxay hal-abuurka Soomaaliyeed had & goor hoga-tusaaleeyaan bulshada iyagoo badiyaaba ka gabya ama ka maansooda arrimo muuqda ama arragtidooda dheeri ay saadaaliso iyagoo ku cabbiraya waayaha ay ku dhex noolyihiin & hab-dhaqanka bulshada. Tirsigan waxaanu ku milicsanaynaa maansooyinkii & dareenkii seddex hal-abuur oo bulshada dhexdeeda iyo dhammaan degsiimooyinka Soomaalidaba ku caan ah, waana Illaahay jannadiisa ha geeyee Cabdulqaadir Xirsi Siyaad (Yam-Yam), Ibraahim Sheekh Saleebaan (Ibraahim gadhle) & Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) oo seddexdooduba u iishay xaggii naxariista Eebbe.

Bal aynu mid mid ugu jalbeebno af-maalnimadoodii kuna bilowno sadaradan soo socda oo laga dhadhansan karo sidii uu Yam-Yam u ahaa ruux iimaan leh, deeqsi ah oo aan isku arag in uu yahay keligi-abwaan ee suugaanta deeqdeeda & falkinteedaba si bareere ah ugu quura hal-abuurka kale, wuxuuna yiri isagoo Raage Ugaas ku soo halqabsanaya labadoodaba Eebbe ha u naxariistee:

 

Raagoow haddaad beri ahayd gabay nin loo reebay

Dabadaa rag soo baxayba waa rog-rogayeene
Ra’yigii maguurine waqtigi baa is raad gureye

Rabtii lagugu ridey iyo qabriga waan rumeysnahaye
Anba waan u soo roorayaa daarta raagmada e’

Anse gabaygu ima raacayee ararta maan reebo

Yam-Yam mar kalana isagoo ka soo horjeeda kala qoqobka bulshada Soomaaliyeed loogu kala ardaa leexinayo abtirsiimada iyo asalka guud, tusinaya sida isku ab iyo dhiig loo yahay, ibtilada ku habsatayna uga Alla baryaya waa tii uu lahaa:

Obokh iyo Hargeysiyo                         Nugaal oogadeediyo                                                    
Ardaayada Shabeelliyo                         Ilaa beesha Enef-dii (NFD)                            
Afartiisa gees iyo                                 Muqdishoo unuunka ah                                 
Ummaddayda joogtee                          Diin iyo af keliya ah                          
U eg anigu saan ahay                          Aabbiyo adeer iyo
Eeddiyo ayeeyaba                                 Oday qurihi wada dhalay                       
Ee alif kordhaban iyo                            Aayadaha Quraanka ah
Hikaad keliya ku akhriya                     Waa kala ab yaa yiri?
Arraxmaan Raxiimow                         Ammuuraha na haystoo

Qoladaad albaabbada                           U furtaa ma oontoo
Abaar iyo kulayl iyo                             Eedaadka gaajaan
La adkaysan weynoo                            Ummaddayda baahida
 Wawga ashtakoodee;                            Arsaaqdii dhulkoodood
Irmaanow tiraahdiyo                           Aqli aan ku garanniyo
Addimmo aan ku maalliyo                   Xaqdigoon illowniyo
Mid ahaanshaheenniyo                        Sabool laga adkaadaan
Ku weyddiistey Eebbow                       Waad iga ogsoon tahay

 Ibraahim Gadhle waxaan ka dheehan karnaa oo xusuus inoogu filan suugaantiisa & aragtidiisii Illaahay ku maneysatay fiiro dheerida maansadan cabashada ah marna hoga-tusaaleynta ah ee uu ugu baroor-diiqayo Afrikada ibtilowday & halka adduun kale ka gaaray horumar & cilmi wuxuuna yiri:

 

Allahayow adduunyada markaad, taagtay udubkeeda

Ama aad abuurtay khalqiga, Aadan iyo Xaawo
Maalintuu Iblayskuna kufriyoo, diiday amarkaaga
Imminkiyo ayaantaa maxaa, belo adeegeysa
Imisaa ardaa fiican iyo, aqal madoobaaday
Ubadkay siteen iyo maxaa, dumar agoonoobay
Imisaa arwaax hoyatay oo, gaal iyo islaan leh
Axmadkii la doortiyo maxaa, nebiyo loo ooyay
Abuubakar Siddiiq iyo inuu, Caliba iil jiifo
Inkastoon ogsoonahay inaan, axadba waaraynin
Wadka Eebe soo diro wax baa, aniga ii dheere

Ifka ruuxa joogaa kol uun buu, ku istareexaaye
Kol uun bay anfaaciga macaan, iligga saaraane
Ikhtiyaar kol uun bay helaan, uumiyaha kale eh
Aasiyaba waxay leeyihiin aarmi iyo xooge
Annagana Orobbaa sidii, awrta noo rarata
Waaggii iftiimaba kun baa, lanaga aasaaye
Bal qabsoo ugaadhiyo sidii, adhiga weeyaane
Eygaa ciyaayana hadduu, dhaamo inankeenna

Afrikadan Ilaahow maxaa, laga abuuraayey?
Allahayow alhuumiyo maxaad, iinta ugu yeeshay?
Allahayow awood iyo maxaad, aalad ugu diidday?
Ummaddaada Eebbow maxaa, loogu kala eexday?
Ingiriis ragguu laayey baan, cidi ilaaweyne
Axmad Guray unuunkay jareen, ehel ha waayaane
Oomaarna waad wada ogtihiin, uubtii loo qodaye
Sayidkii addoonsiga nebcaa, aakhiro u tabiye
Waa kuwii Cadhoolana ajalay, calankan awgiiye
Halyeygii Sheekh Bashiir bay dharaar, adhaxda gooyeene
Maxamuud sidii loo arjumay, aamus laga qaadye
Imaam Cusmaan baa ku maqan, ololeheeniiye
Ablay bay u quudheen nin ragi, kuma ataageene

Eeddii gumaystaha haddaan, in yar ka faalloodo
Axaddii bishii Maaris iyo, hore isniintiiba
Eedaanka waaberi markuu, noo addimay sheekhu
Waa kuwii intay ururiyeen, edeg ka buuxsheen e
Waa kuwii awaaraha na tubay, aqab la'aaneed e
Waa kuwii uqaylkii guriyo, kii arrimin lahaaye
Waa kuwii hablaha ugub diliyo, Aaminiyo Luule
Waa kuwii Aamaar iyo dugaag, oomman noo qubaye
Immikana kuwaa talinayay, eebada u tumiye

Isticmaarku ooduu dhigiyo, qodaxdii waa taalle
Ma ilbixin kuwii aan lahaa, way ka aargudane
Iglan baaba loo dhoofiyaa, weli addoontiiye
Iib baa Amriik loogu diray, odayo waaweyne
Almaaniyana kolay tahay, nala asqaysiiye

Kol hadday abiid ii yihiin, oohintiyo ciilku
Uurkii islaantii maxaan, uga abuurmaayay?
Oofta iyo hooyaday maxay, adhaxda ii saartay?
Allahayow awoowiyo muxuu, aabbe ii dhalayay?

 

Ibraahim, mar uu la yaabay burcad lasku aslay oo midabkii & caafimaadkii hablahaba caabuqiyey, isagoo calool xumadaas suugaan ku cabbiraya waano & waayeel warkiina uga jeeda waa kii lahaa:

 

Muran baa adduunyada ka jira amase maandhaafe   
Marwo iyo ninkeedii maxaa maanta kala haysta!!
Maariin dhalaaliyo hablahaa madawga diidaaya
Hablahaa madiidee wejiga madhiyey diirkiisa
Maskax xumo kolbaa loo cabbaa mur iyo diibaaqe
Malab iyo nimaan kala aqoon midhaha waabayda
Isaguba kol buu Jowharoow dacar magaabshaaye
Haddii ay masiibada ogyiin mawdku daba yaalo
Oo ay micnaha garanayaan may is mariyeene
Maxaa midabka dheehiyo hablii maanta kala haysta!!
Maaley qadhaadh iyo kuwaa morohda soo qooshtay
Sidii neef muqloobay ayey lugaha kala maroorshaane

Maxaa kii murqaamiyo qof weyn maanta kala haysta!!

 

Bal imikana aynu is dul taagno maansooyinka Axmed Ismaaciil Diiriyo “Qaasim” innagoo ku hormarayna gabay uu kaga hadlay lixdameeyadii darxumada Soomaaliya oo markaa dhawr sanno xor ahayd ka haysata dhanka horumarka iyo ismaamulka, kuna muujinaya halka adduunku gaarey & xiddigaha la kala sahansanayo, wuxuuna yiri:

Dayaxaa la kala boobayaa iyo dirirkii cawleede
Xiddigtii dagaariyo la dhaaf diillintii Guray'e
Dibbaa laxaha loo eegayaa sacana waa daafe
Duqii samada lagu sheegayiyo dide cirjiidhiiye
Dabaylaha ragbaa kala yaqaan dawga loo maro'e
Hadba waqalka dihin Ruushku waw-doogsin cararaaye
Daruuraha la weeraray nin ogi dib uga faallooye

Nin da'dii halkaa gaadhay oo daallanbaan ahaye
Hayeeshee dabkeedu ha ba'ee doqoni waa mooge
Daab godina sooma jarin wiilashaan diraye
Halka dunida lagu geeddi yahay deyiba maayaane
Umaddii daryeel weli mahelin daacadda ahaaye

Sidii bay u dooyeysantahay damashii weyneyde
Sidii bay duleedada dharli'i ugu dabjeexaane
Sidii baa du'dada aar dhiciyo dacaw u joogaaye
Sidii baa dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha'e
Sidii bay docu aqalladii uga daloolaane
Sidii baa darroorimada iyo daad u gelayaaye
Sidii baa degmadu ceelashii ugu darleeftaaye
Sidii baa ducaaloow! biyaha loo dawariyaaye
Sidii bay u daba goosi tahay haradii Dooloode

Oo weliba dibindaabyo-iyo diriri joogtaaye
Waakaa dareersaday Axmaar dayr cadkii dhalaye
Danbi ku hadli maayo'e ma'arag dawladdaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka soomaalibaad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal'e
Meeshaan dad aan urursho iyo darar ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacar miyaan leefay
Ma dorraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay
Sidii aan deyeysanahay miyaan dawgii ka habaabay

Waxba hadalku yuu iladurkine waxan ku soo duubay
Mar uunbuu dafsoo odhan nabsigii diinku soo sidaye
Mar uunbay daruur caafimaad dooxa soo rogiye
Dirridaa abaarta ah marbaa doog kasoo bixiye
Dibjirkiyo reer miyigu marbay daasadaa qubiye
Mar uunbuu digiigixan raggii daalanaan jiraye
Dibnihii shakaallaa marbaa dooda loo furiye
Markaasaa la daydayan xaqii naga dahsoonaaye.

 Midabeeye: Mar uu tilmaamayey noocaddiisana wuxuu yiri, wixii qadaf ah Illaahay ha ka dhaafee:

Dacartuba mar bay malab dhashaa, aad muudsataa dhabaqe
Waxaan ahay macaan iyo qadhaadh, meel ku wada yaalle
Midigtayda iyo bidixdu, waa laba mataanoode
Midi waa martida soora iyo, maato daadihise
Midina waa mindiyo xiirayiyo, mur iyo deebaaqe
Masalooyin talaatanlliyaan, maandhow leeyahaye
Nin majiiro keliyuun qabsaday, hay malaynnina e
Mar baan ahay muddeec camal san, oon maagista aqoone,
Marna macangag laayaan ahoo, miiggan baan ahaye
Mar baan ahay muftiga saahidnimo, mawlaca u galaye
Marna makhaawi waashoo xumaan, miista baan ahaye
Mar baan ahay murtiyo baanisaba, madaxda reeraaye
Ay weliba muuniyo dulqaad, igu majeertaane
Mama reer-magaal loofaaroon, muuqan baan ahaye
Mar baan ahay nin xaaraan maqdaca, marin jidiinkiiye
Marna tuug mu'diya baan ahoon, maal Rasuul bixinne
  Mar baan ahay maqaan awliyada, maqaddin koodiiye
  Marna mudanta shaydaanka iyo, maal jin baan ahaye